Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 29 ruux ayaa dhimatay kadib shil gaari oo kadhacay gobolka Uttar Pradesh ee waqooyiga dalka Hindiya.
Shilka ayaa galinkii hore ee saakay kadhacay magaalada Agra oo 336km u jirto caasimada gobolka Lucknow.
Bus’ka ayaa waxaa saarnaa rakaab gaaraya 50 ruux oo kasoo safray magaalada Lucknow kuna soo jeeday magaalada Delhi ee caasimada dalka Hindiya.
Shilalka kadhaca wadooyinka Hindiya ayaa aad u badan iyadoona afartii daqiiqo ee kasta uu shil kadhaco wadooyinka Hindiya.
Waxaa suura gashay in laso bad baadiyo 20 kamid ah rakaabkii bus’ka uu dhaawac soo gaaray.
Wararka ayaa sheegaya in shilkan uu yimid kadib markii ay hurdo qabatay darwalkii bus’ka isagoona lumiyay xakamayntii gaariga kahor inta uusan wadada kala bixin.
Ku dhawad 900 oo ruux ayaa ku dhimatay shilalka kadhaca wadooyinka dalka Hindiya tan iyo sanadkii 2012’kii sida laga soo xigtay masuuliyiinta dowladda.