Somali News

Shil Khasaare geeystay oo ka dhacay Jowhar.

Inta la xaqiijiyay labo ruux oo dhalinyaro ah ayaa ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle.

Shilka ayaa yimid ka gadaal markii Gaari ay lahaayeen sida la sheegay Ciidamada xogga dalka uu dulmaray Bootada nuuca loo yaqaan bajaajta, taas oo dhalisay dhimashada labo ruux.

Shilka ayaa ka dhacay sida ay Goobjoogayaal u xaqiijiyeen KNN agagaarka Dugsiga Sheekh Xasan Barsane ee Magaalada Jowhar.

Waxaana goobjogayaasha KNN la hadlay ay inoo sheegeen in Ciidamada amaanka Dowlada oo goobta soo gaaray ay gacanta ku dhigeen darawalkii waday gaarigga.

Meydka labada ruux ayaa goobta laga qaday iyadoona geeyay Isbitaalka magaaladda Jowhar.