Somali News

Shil khasaaro geystay oo ka dhacay dalka Thailand

Muqdisho-KNN- Inta la xaqiijiyay 17 ruux ayaa ku naf waayay kadib markii ay isku dhaceen gaari nooca dadweynaha qaada ah iyo tareen gudaha dalka Thailand.

Shilkaan oo ka dhacay meel u dhaw caasimada ah ee Bankok ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen gaari bas ah oo meel caasimada u jirta 10 km.

Rakaabkii saarnaa gaariga ayaa u socday goob lagu cibaadaysto sida booliska laga soo xigtay.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa laga soo xigtay in 29 ruux oo shilkaas ku dhaawacmay in la geeyay xarumaha caafimaadka.

Sawiro iyo muuqaalo laga soo qaaday goobta shilku ka dhacay ayaa waxaa ka muuqda dad badan oo dhulka daatsan iyo gurmad loo samaynayo dadka dhibaatadu gaartay.

Goob joogayaal ayaa sheegay inay arkeen gaariga oo wadada tareenka galay waxaana ku dhacay tareenka oo xawli ku socday.

Ciidamada dalalka Asarbijan iyo Armenia oo madaafiic is weydaarsaday ayadoo xabad joojini jirto.