Somali News

Shil khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Shil gaari ayaa maanta waxaa uu ka dhacay isgoyska Martiini ee kala qaybiya Degmooyinka Xamar Jajab iyo Xamar weyne.

 Inta la ogyahay Labo qof  ayaa ku dhintay, halka labo kale ay ku dhaawacmeen goobta uu shilka ka dhacay.

Dadka dhintay ayaa la sheegay in ay  saarnaayeen  Mootada nooca loo yaqaano Bajaajka.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in khasaaro lixaad leh uu ka dhashay shilkaasi.

Mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanayay shil sidan oo kale u dhaca.