Somali News

Shil khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Sida ay sheegayaan Wararka Shil Khasaare geystay ayaa Waxaa uu maanta ka dhacay degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa KNN u Sheegay in shilka uu ka dhacay  wadada 21-October ee Degmada Waaberi.

Ninka  dhintay ayaa waxaa uu ka xeynayay Mootada nooca loo yaqaan Fekon, islamarkaana waxaa la Sheegay in xawaare sare uu ku waday mootada , kadibna ay la gadoontay, Sidaasina uu ku geeryooday.

Ciidamada Amaanka ayaaa gaaray goobta uu shilka ka dhacay, waxaa ayna halkaasi ka qaadeen wiilka dhalin yarada ahaa ee halkaasi ku dhintay.

Mootada Fekonta loo yaqaan ayaa dhalinta ka xeeya waxaa ay ku wadaan Xawaare Sare, kuwaasi oo halis ku gali kara mararka qaar Naftooda.