Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 7, ruux ayaa dhimatay halkatobanaan kalana ay ku dhaawacmeen kadib markii uu fariinka goostay Tareen kusocday oo xawaare sare.
Gudoomiyaha magaalada Ankara, ayaa warfidiyeenada u sheegay in dadka dhaawaca ah ay gaarayaan illaa iyo 43, ruux.
Shilkan qasaaraha gaystay ayaa yimid kadib markii tareen xawaare sare ku socda uu ka baxay qadkii uu ku socday kaas oo marayay degmo ku taala bartamaha gobolka Konya.
Gudoomiyaha magaalada Ankara, ayaasidookale sheegay in ay wali wadaan baaritaano ay ku baadi goobayaan in ay ogaadaan qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay shilka.
Bishii July ee ina dhaaftay ayay ahayd markii 10 ruux ay dhinteen halka 70 kalana ay dhaawcmeen kadib markii uu shil galay Tareen ay saarnaayeen oo marayay magaalo ku taalo koonfur galbeed dalka Turkiga.