Somali News

Shir Amniga loo hadlayay oo ka qabsoomay Baydhabo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, ayaa maanta guddoomiyey kulan looga hadlayay amniga, kaas oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Shirka waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Amniga Koofur Galbeed iyo Saraakiisha laamaha amniga qeybahood kala duwan.

Waxaa diirrada lagu saaray shirka amniga si guud deegaanada Koofur Galbeed, iyadoo warbixin looga dhageystay Wasiirka Amniga iyo Saraakiisha ciidanka qaarkood.

Dhankiisa, Madaxweyne Lafta gareen ayaaa dhinacyada faray inay dardargeliyaan sugida amniga deegaannada Koofur Galbeed, islamarkaana ay laba jibaaraan howlgallada ka dhan ah Ururka Al-shabaab, isagoo xusay in dhibaato ay ku hayaan shacabka masaakiinta ah.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa boggaadiyay dadaalkooda naf hurnimada ah oo ay ku xaqiijinayaan amniga guud ee dowlad doboleedka, wuxuuna sheegay in Al-Shabaab ay muhiim tahay in laga saaro deegaannada ay Koofur Galbeed kaga sugan yihiin.