Somali News

Shir amniga looga hadlay oo Muqdisho ka dhacay

Muqdisho-KNN-Shir looga hadlayay arimaha amaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Shirkan amniga looga hadlayay ayaa waxaa gudoominayay Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuubkar Isloow Ducaale, waxaana ka qeybgalay hogaanka Ciidamada  Booliska, Asluubta Iyo Gudoomiyaha Maxkaamdda Sare ee dalka.

Kulankan waxaa diiradda lagu saaray amniga Caasimadda iyo sidii loo dardar galin lahaa Xasiloonada Muqdisho, si gooniya waxaa looga hadlay sidii dilalka qorsheeysan ee ka dhacaya Magaalada loo hakin lahaa.

Shirkan amni ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyada oo habeenimadii xalay aheed uu Magaalada uu qarax ka dhacay.