Somali News

Shir Caalami ah oo looga hadlaya Waxbarashada dalalka ka soo kabanaya Colaadaha oo Muqdisho ka furmay

Muqdisho-KNN-Shir looga hadlaya tayada Waxbarasho ee dalalka ka soo kabanaya colaadaha ayaa goor dhow ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Shirka waxaa ka soo qeyb galay mas`uuliyiin kala duwan oo heer caalami ah iyo xubno ka socda dowlada fedraalka Soomaaliya, waxaana shirka daah furay Ra`iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Shirka oo goor dhow furmay ayaa waxaa hadalo ka jeediyay mas`uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Wasiirka Waxbarshada Xukumada Soomaaliya iyo xubno kale.

La soco wixii ka soo kordha.