Somali News Uncategorized

Shir caawa Muqdisho uga furmay madaxweyne Farmaajo, madaxda DG iyo Cumar Filish

Muqdisho-KNN-Shir u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo, madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa caawa ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkaas ayaa ka furmay Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana lagu dhameystirayaa heshiiskii dhawaan laga gaaray arrimaha doorashooyinka.

Qodobada looga hadlayo shirkan waxaa ka mid ah dhismaha duddi doorashada oo isugu jira heer federaal iyo heer dowlad goboleed, dhismaha guddiga xalinta khilaafaadka, jaangoynta waqtiga doorashada iyo waajibaadka guddiyada la magacaabayo.

Dhamaan madaxda kale ayaa horay ugu sugnaa Muqdisho, markii laga reebo madaxweyne Qoor Qoor oo caawa soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo horay uga biiray shirka oo caawa ka furmay Villa Somalia.