Uncategorized

Shir dib u heshiisiin ah oo maanta ka furmay degmada Matabaan

Matabaan-KNN-Magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa maanta waxaa ka furmaya shir dib u heshiisiin ah oo lagu dhax dhaxaadinayo beelo walaalo ah oo dhawaan ku dagaalamay deegaankaasi.

Shirkaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay mas`uuliyiinta maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug, kuwaas oo gogol u dhigay waxgaradka ka soo jeeda beelihii dagaalamay.

Mas`uuliyiinta wada dhax dhaxaadintaas ayaa ugu baaqay beelihii dagaamay in laga gudbo  colaadii u dhaxeysay beelahaasi.

Maalmihii dambe ayaa magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa ka taagnay colaad u dhaxeysay beelo walaalo ah, kuwaas oo colaadooda ay ka bilaabatay dul daaqsimeed.