Xeritaanka shirka looga hadlayo arrimaha doorashada Soomaaliya ayaa ilaa hadda u xayiran khilaafka siyaasiinta kasoo jeeda gobolada Waqooyi.
RW Rooble, Madaxda maamul gobaleedyada dalka iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh Maxamuud ayaa hadda shir albaabada u xiran yihiin la leh Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Madaxweyne Farmaajo oo ku sugan Teendhada Afisyooni ayaan qeyb ka aheyn shirka socda ee xalka loogu raadinayo khilaafka siyaasiinta ka soo jeeda gobolada Waqooyi ee la xariira arrimaha doorashada Soomaaliya.
Waxaana dib u dhacay khudbadihii ay jeedin lahaayeen madaxda ka qeyb galaysa shirka xiritaanka shirka lagu shaacinaayo heshiiska ay wada gaareen RW Rooble, madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka banaadir.


