Somali News

Shir Jaraa’id: Midowga Musharaxiinta oo si adag uga hadlay rabshadihii ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay Hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho ayaa eedeymo hor leh u geediyey madaxweyne Farmaajo.

Waxay sheegeen in hadii ay ka jawaabi lahaayeen awoodii ciidan ee shalay dowladdu u adeegsatay aysan maanta Muqdisho nabad ahaateen, sida ay hadalka u dhigeen.

Sheekh Shafiir oo ah guddoomiyaha golahan midowga musharaxiinta ayaa aad ugu dheeraaday dhaleeceynta ciidamadii shalay dowladdu u adeegsatay kala ceyrinta banaanbixii ay soo abaabuleen.

Waxa uu sheegay in waqti iyo maskax badan ay ku bixiyeen dhismaha ciidamada Qaranka, balse hadda madaxdii hore loo adeegsanayo ciidankii ay dhiseen, taas oo uu nasiib darro ku tilmaamay Shariif Sheekh Axmed.

Saraakiisha iyo ciidamada Qaranka ayey ka dalbadeen musharaxiintu inay ka fiirsadaan amarrada la siinayo, kuwaas oo ay sheegeen inay uga imaanayaan madax aan sharci ku joogin xukunka.

Musharaxiinta ayaa aad ugu mahadceliyey shacabkii shalay isku dayey inay soo banaanbaxaan, balse laga hor istaagay, oo awood loo adegsaday kala ceyrintooda.

Rasaastii shalay lagu furay musharaxiinta iyo shacabkii banaanbaxa dhigaayey, xilli ay maraayeen inta u dhaxeysa isgoyska KM-4 ayey ku tilmaameen isku day dil oo aan u dhicin ‘sidii loo qorsheeyey.’

Sidoo kale musharaxiinta ayaa ku goodiyey inay sii wadi doonaan banaanbaxa, illaa inta ay madaxda dowladdu ka ogolaaneyso in la guda galo doorasho xor iyo xalaal ah.