Somali News

Shir ka furmaya Baydhabo iyo Wafdi ka socda Dowladda oo gaaray Magaaladaas

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay gaaray.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa qeyb ka ah wafdiga waxaana garoonka diyaaradaha Baydhabo kusoo dhaweyay  Wasiiro, Xildhibaano, iyo Guddomiyaha Maxkamada Sare Maamulka Koonbfur Galbeed Soomaaliay.

Maxaamed Sheekh Cusmaan Xeer Ilaaliyaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed Ee Jubbaland ayaa sheegay in uu aad ugu farsanyahay tegitaankaBaydhabo,isla markaana uu  ka qeyb gali doono shirka Xeer Ilaalinta dalka oo ka furmaya Magalada Baydhabo.

Dr Acmed Cali Daahir Xeer ilaaliyah Guud Ee qaranka ayaa ka warbixiyay ujeedada Baydhabo u  tageen isaga oo si rasmi ah u shaaciyay in shirka xeer Ilaaliyaasha dalka uu Baydhabo furmi doono.

Baashe Yuusuf Ahmed Guddomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa Mas’uulyiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ugu mahadceliyay sida Baydhabo loogu soo dhaweeyay.