Muqdisho-KNN-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Xildhibanada baarlamaanka Puntland iyo Gudi uu dhawaan magacabaay Madaxweyne Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas uu hada kulan ugu soconayo Magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal
Gudigga Xalinta khilaafaadka iyo Ansixinta ee Puntland iyo baarlamaanka ayaa waxaa ay ka wada hadlayaan sida laga yeelayo doorashada Maamulka Puntland.
Doorashada Maamulka Puntland ayaa waxaa ay dhacaysaa bilowga sanadka cusub ee 2019-ka, iyadoona diyaar garow Balaaran laga dareemayo guud ahaan Deegaanada Maamulka Puntland.


