Somali News

Shir lagu dhax dhaxaadinayo beelo ku dagaalamay D/Ceel Afweyne oo maanta halkaas ka furmaya

Ceel-Afweyn-KNN-Wararka ka imaanaya degmada Ceel Afweyne ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in maanta halkaas uu ka dhici doono shir dib u heshiisiin ah oo lagu heshiisiinayo beelihii dhawaan ku dagaalamay degmadaasi.

Maalmihii dambe ayaa degmada Ceel Afweyn waxaa ku sugnay wufuud oo hogaaminayay madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland, Culumaa`udiin iyo mas`uuliyiin kale, kuwaas oo halkaas u gaaray sidii ay u heshiin lahaayeen beelahaasi dagaalamay.

Sida Qaar ka mid ah wax garadka degmada ay u xaqiijiyeen Idaacada Kulmiye maanta ayaa degmada waxaa ka dhacaya Shir weyn oo ay ka qeyb galayaan beelihii dagaalamay iyo wafuudii halkaas u joogtay dhax dhaxadinta beelahaasi.

Sida wax garadka ay tilmaameen qodobo dhowr ah ayaa jira oo wufuudii uu hogaaminayay madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland ay la gaareen dhinacyadii dagaalamay, qodobadaas ayaa lagu soo bandhigi doono shirkaan maanta ka dhacaya degmada Ceel Afweyne ee gobolka Sanaag.

La soco wixii ka soo kordha.