Somali News

Shir lagu dhex dhexaadinayo beelo ku dagaalamay gobolka Sool oo ka socda gobolkaasi

Wararka ka imaanaya Deegaanka Saaxdheer ee Koofurta Gobolka Sool ayaa waxaa ka socota qaban-qaabadii u dambaysay ee Wejiga labaad ee dhammaystirka Nabadaynta Beelihii ku dagaallamay Degaanka Horufadhi ee Gobolka Cayn.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ergooyin ka kala socda Beelihii dagaallamay iyo Xubnaha Guddiga dhex-dhexaadinaya labada dhinac ay haatan ku sugan Degaanka Saaxdheer waxaana sida qorshaysan saacadaha soo socda halkaasi ka furmaya Wejiga labaad ee Shirka Nabadaynta.

Shirka Saaxdheer ayaa la doonayaa in lagu dhammaystiro Arrimaha ka harsan Nabadaynta Degaanka Horufadhi oo ay marar kala duwan ku dagaallameen Beelo halkaasi wada deggan balse ugu dambayn Heshiis Nabadeed laga gaaray.

Guddiga Nabadaynta labada dhinac waxaa hoggaaminaya Garaad jaamac Garaad Cali oo ay weheliyaan odayaal iyo waxgarad kala duwan oo ka kala tagay Deegaannada Sool iyo Cayn.