Somali News

Shir lagu xalinayo mashaakilka Venezuella oo ka furmaya Norway.

Muqdisho-KNN-Mucaaradka Venezuella ayaa la kulmi doona wakiillo ka socda Dowladda uu hogaamiyo Nicolas Maduru waxayna kula kulmi doonaan Magaaladda Barbadod, wadahadalkana waxaa dhex-dhexaadinaya Dowladda Norway.

Dhinacyadda Shirka ka qayb galaya ayaa sheegay in u jeedku yahay in xal laga gaaro Xasaradaha Siyaasadeed ee dalka ka taagan.

Hogaamiyaha Mucaaradka Juan Guaido oo in ka badan 50 wadan ay u aqoonsadeen in uu yahay Hogaamiyaha ku meel gaarka ah ee wadanka ayaa sheegay in wadahadal kasta uu muhiim u yahay xalinta xaaladaha cakiran ee dalka ka taagan.

“Dadka Venezuela, xulifadeena iyo Dimoqaraadiyadda dunida waxay aqoonsadeen baahidda loo qabo hanaan doorasho Hufan oo xalaal ah si loo dhiso mustaqbal fiican” ayaa lagu sheegay war kasoo baxay Xafiiska Guaido.

Dowladda Norway oo shirka Garwadeen ka ah ayaa sheegtay in wada hadaladu ay todobaadkaan qabsoomi doonaan.

Xaaladda ka jirta Venezuela ayaa aad u liidata dadka rayid ka ahna waxay la liitaan gaajo iyo degenaansho la’aan.