Cadaado-KNN-Caasimadda KMG ah ee Maamulka Galmudug ee Cadaado ayaa waxaa maanta ka furmay Shirka Wadatashiga dib u eegita Sharciga Socdaalka Soomaaliya, waxaana shirkaani daahfuray la taliyaha dhanka sharciga ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda C/nasir Hashi.
Waxaa kasoo qeyb galay Shirkaan Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo ay ka mid yihiin wasiirka arimaha Gudaha, Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Dastuurka iyo Wasiirka Gadiidka cirka iyo dhulka, waxaana ay dhamaantood si isku mid ah u sheegeen in ay muhiim tahay in dib u eegis lagu sameeyo sharciga Socdaalka dalka, maadama sharciga hada jira markii la sameenayay uu dalku ahaa dowlad dhexe, balse hadda la qaatay nidaamka Federaalka.
Hay’adda Socdaalka ayaa bilihii lasoo dhaafay waday dadaallo kala duwan oo lagu hormarinaayo Hay’addaasi, oo muhiim u ah bulshadda Soomaaliyeed.