Uncategorized

Shir looga hadlaayo ka hortagga Qaraxyada oo muqdisho uga Furmay Saraakiisha Dowladda iyo AMISOM.

Muqdisho-KNN-Saraakiisha ugu sareeysa Ciidamadda Qalabka sida ee Soomaliya  iyo AMISOM ayaa shalay Waxaa Muqdisho uga furmay Shir soconaya Sadax maalmood kaas oo looga Hadlayo Qatarta Qaraxyadda iyo Qorsheeynta sidii halistooda hoosloogu dhigi lahaa.

Shikaan oo ay ka qayb galayaan Wakiilo ka socda QM iyo Saraakiil ka Tirsan Ciidamadda Britain ayaa waxaa si Qoto dheer looga doodi doona Halista soo kordhrrysa ee ka Imaaneeysa Qaraxyadda ka dhaca Dalka iyo Qasaaraha ay geystaan.

Sida lagu Daabacay barta Howlagalka AMISOM uu ku leeyahay internet-ka  Talityaha Howlgalka AMISOM general Cusmaan Nuur Subagle ayaa sheegay in uu Rijeeynayo in shirkaan ay kazoo Baxaan Talooyin Dhaxal gal ah kuwaas oo la siinkaro dhamaan Qaybaha kala Duwan ee Ciidamadda.

Shirkaan waxa soo Qabanqaabiyay Howlgalka QM ee Caawimadda ka geysta Miinooyinka Magaciisana loo soo gaabiyo UNMAS, Ujeedada Shirkaan waxaa lagu sheegay in la kordhiyo Awoodda  Soomaliya ee ka hortagga Qaraxyadda.

Geberal Subagle ayaa Martidii shirka Waxaa uu u sheegay in Shirkaan uu kordhindoono Wacyiga iyo aqoonta horseedi kara in l;a ogaado Qaraxyadda kadibna lasoo saaro iyaga oo aan dhib geysan.

Faransisko Madera Wakill ka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ayaa ku booriyay Bulshadda Caalamka in ay sii wadaan taageeradda ay siinayaan AISOM iyo Ciidamadda Soomaaliya si loo kordhiyo awoodooda ka hortagga Qaraxyadda.

Allan McDonald oo ah Agaasimaha UNMAS ayaa sheegay  in shirkaan uu u sahli doono Ciidamadda Soomaaliya in ay Howlgaladooda ka dhigaan kuwo Guul ku dhamaada Dadkana Kabadbaadiyta dhibatadda Joogta ah ee Qaraxyaddu ku yeeshaan.