Uncategorized

Shir looga hadlaayo mideynta Canshuuraha Dalka oo maanta Kismaayo ka furmay.

Muqdisho-KNN-Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Soomaliya ayaa magaalada Kismaayo ka daah furay shir looga hadlayo Maaliyadda oo ay ka qeyb galayaan Wasiirada Maaliyadda ee maamul Goboleedyada iyo marti sharaf kale oo shirka lagu casuumay.

Ka qeyb galayaasha Shirka ayaa sheegay in Shirkan looga hadli doono qaabka loo mideyn lahaa canshuuraha dalka, gaar ahaan kuwa maamul Gobaleedyada iyo midda ay qaado Dowladda Soomaaliya, waxaana shirkan laga soo saari doonaa Warmurtiyeed.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa wada dadaalo lagu hormarinayo dhaqaalaha dalka, waxaana ay xooga saareysaa sidii loo mideyn lahaa dhaqaalaha guud ahaan dalka, iyadoo dhawaan Hay’adda Lacagta Aduunka ee loo soo gaabiyo IMF ay soo dhaweysay guulaha Soomaaliya ay ka gaartay Hanaanka maamul Maaliyadeed.