Somali News

Shir looga hadlay amniga doorashooyinka oo lagu qabtay xerada Xalane ee Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shir ku saabsan amniga doorashooyinka oo lagu qabtay xarunta Xalane ee Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa  looga dooday sidii loo sugi lahaa amniga goobaha lagu waddo in ay ka dhacaan doorashooyinka

Wararka ayaa sheegaya in shirka ay  qeyb galeen  dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir, Wakiilada Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo dowladda Mareykanka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku darayo in La taliyaha Madaxweynaha ee dhanka Amniga Cabdisaciid Cali ayaa isna ka qeyb galay, waxaa uuna sheegay in shirka looga hadlay in maamul goboleedyada ay ku suggaan Amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka dowladda dhexena ay taageero siiso.