Somali News

Shir looga hadlayay adkeynta ammaanka iyo abaaraha oo ka dhacay Beledxaawo

Maamulka Gobolka Gedo, Taliyaha Nabad sugida Gobolka Cabduraxmaan Cabdulaahi Aadan Bakaal Kooke, Wasiir ku-xigeenkii arirmaha Gudaha Jubbaland, Maamulka Degmada Beledxaawo, masuuliyiin xilal horey uga soo qabtey Vobolka ayaa shir la qaatey qaybaha kala duwan ee bulshada reer Beledxaawo

Shirka ayaa inta uu soo socdey waxaa looga hadlay dhowr arimood oo ay ka mid yihiin taageerada Dowlada Fadaraalka Somaliya adkaynta amaanka guud ee deegaanka Abaarta saameynta ku yeelatey nolosha dadka iyo duunyada  dhismaha Jubaland loo dhan yahay isku dhuubnida iyo midnimada reer Gedo.

Masuliyiintii kala duwaneyd iyo qaybaha kala duwan ee bulshadii shirka ka qeyb gashay, ayaa illaahey ka baryey inuu abaarta umadiisa ka saaro waxaana baaq loogu gurmanayo bulshada ay u direen Dowlada Fadaraalka Somaliya inta wax haysa oo ay uga horeeyaan Ganacsatada Haayadaha Samafalka, iyo qurbojoogta.