Somali News

Shir looga hadlayay Amniga iyo Caddaaladda oo lagu qabtay Baydhabo.

Muqdisho-KNN-Magaalada Baydhabo Xarunta Gobolka Bay ,ayaa maanta waxaa Ka Dhacay Shirka Tubta Arimaha Cadaalada Iyo Amniga.

Waxaa Shir Gudoominayey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasis Xassan Maxamed ( Lafta-gareen ) waxaana kaso Qeyb galay 6 Wasaaradood.

 Shirka inta uu socdey ayaa waxaa looga hadlayey sidii cadaalad dhab ah ay u heli lahaayeen Dadka Reer Koonfur Galbeed iyo sidii Al-shabaab looga xureyn lahaa deegaanada Fara ku tiriska ah ay gacanta ku haayaan.

Ballan qaadkii Madaxweynaha Ayaa waxaa ka mid ahaa Bulshada Koofur Galbeed  iney helaan Cadaaalad iyo Amni.