Somali News

Afhayeenka gobolka banaadir” Baaritaano amni ayaa ka bilaaban doono Muqdisho

Kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa looga hadlay sidii loo sugi lahaa ammaanka caasimada Muqdisho, kadib weerarkii ka dhacay hotel Elite ee magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Saraakiisha laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir, waxaana la isku raacay in baaritaano laga sameeyo xaafadaha degmooyinka gobolka banaadir iyo gaadiidka isticmaalaya wadooyinka magaalada Muqdisho.


Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Kulanka looga hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa sugidda Amniga Caasimadda Muqdisho, iyadoona la isla qaatay in baaritaano joogto ah laga sameeyo xaafadaha degmooyinka gobolka iyo gaadiidka lagu dhex wato wadooyinka Caasimadda soomaaliya ee Muqdisho