Uncategorized

Shir looga hadlayay amniga oo lagu soo gaba gabeeyay Garowe

Muqdisho-KNN-Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay shir hal maalin socday oo looga hadlayay amniga Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb galeyn Wasiirka amniga dowlada dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada.

Shirka ayaa inta uu socday waxaa aad looga hadlay xaalada amni ee bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeynka maamulka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey oo hadal ka jeediyay shirkaas ayaa eedeyn waxuu u soo jeediyay madaxda dowlada dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada, wuxuuna ku eedeeyay in ay diyaar u aheyn dagaal lala galo Al-shabaab.

Madaxweyne ku xigeynka Puntland ayaa sheegay inay Muhiim tahay in Laga wada hadlo waxii dan u ah Shacabka , oo dhanka Amaanka si wada jir ah Looga wada shaqeeyo, waxaana uu tilmaamay in la dabagalo shirarkii kan ka horeeyay waxa ka hirgalay.

Wuxuu sidoo kale yiri “Madaxda Soomaaliyeed way ka gaabiyeen in Soomaaliya lagu soo dabaalo Amni maadaama umada Soomaaliyeed ay aad ugu baahan yihiin  ay tahay in amni lahelo, isla markaana ay dhibaato ku hayaan Al-Shabaab”

Halkan ka akhriso qodobadii ka soo baxay shirkaasi.