Somali News

Shir looga hadlayay argagixisadda oo lagu qabtay Burkina Faso

Muqdisho-KNN-Madaxda Wadamada dhaca Galbeedka Africa ayaa kulan ay ku yesheen Burkina Faso waxaa ay ku dhawaaqeen in 1 billion oo doolar si looga hortago amni daradda Gobolka Saaxil.

Balanqaadka waxaa ku xusan in lacagtaas lagu bixin doono inta u dhaxaysa sanaha 2020 iyo 2024 islamarkaana lala dagaalami doono ururadda hubeeysan e xasiloonidaradda ka abuuray Galbeedka Africa.

Madaxweynaha Niger Maxamadu Isoofu ayaa sheegay qorshaha maaliyaded uu wax badan ka tari doono dagaalka ka dhanka ah argagixisadda.

Qorshe faah-faahsan oo ku saabsan sanduuq mideeysan oo lacagta lagu shubayo iyo sida ay ciidanka military-gu u wada howlgalayaan ayaa lagu soo bandhigi doonaa shirka Urur Goboleedka ECOWAS ee bisha December la qaban doono.

 Ururro ku xiran Al-Qacidda iyo Daacish oo uu ugu weynyahay ururka Boko xaraam ayaa sababay in gobolka Sahil uu noqdo meel khalalaase badan.