Muqdisho-KNN-Shir looga hadlayay dhuxusha soomaaliya oo uu maanta Muqdisho ka furmay Reysul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.
Shirkan ayaa waxaa ka qeeybgalay hayadaha qaramada Midoobay, dowladaha taageera soomaaliya, dowlad Goboleedyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Reysul Wasaare Ku Xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in jarista dhirta ey waxyaallo ba’an ugeesatay gayiga soomaalida, iyo in dhuxusha dalka laga dhoofiyo ee Shan Laab ka badantahay tan dalka Gudihiisa lagu Isticmaalo.
sidoo kale waxa uu sheegay Reysul Wasaare ku xigeenku in ey isku dayayaan sidii ey umeelmarin lahaayeen sharci mamnuucaya jarista dhirta in la sameeyo.
Dr Diclerk oo ah ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay ee soomaaliya ayaa sheegay in Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya ey iska kaashaan doonaan qaabkii loo heli il kale oo lagu dabalo isticmaalka dhuxusha.
Dhanka kale waxaa shirka laga sheegay in dhuxusha laga dhoofiyo dalka ey dhaqaalo badan ku qabaan dagaalamayaasha.
Shirkan ayaa waxaa lagu wadaa in labo maalmood uu ka socdo Magaalada Muqdisho iyada oo la faliyo gabagabadiisii in laga soo qodobo muhiim u ah joojinta xaalufka lagu deegaanka.