Somali News

Shir looga hadlayay xasilinta goobaha laga saaray Al-shabaab oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Shirkan ayaa waxaa diirada lagu saaray xaqiijinta Amniga deegaanadii ciidanka Xoogga dalka ay ka saareen dagaalamayaasha Alshabaab waxaana ka qeyb galay hey’adaha ka shaqeeya xasilinta iyo dowladaha taageera Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Fereraalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa soo dhoweeyay howlgalada ciidan ee lagu xoreynayo deegaanada Al-Shabaab ku sugan yihiin.

“Waxaan soo dhoweynayaa howlgalada ciidanka Xoogga dalka ay ka wadaan gobolka shabeellada hoose, kaas oo la doonayo in dib loogu xoreeyo deegaanada ka maqan gacanta Dowlada” ayuu yiri Wasiir Sabriye.

Wasiirka ayaa sheegay inay si degdeg ah ugu shaqeynayaan xasilinta deegaanada la xoreeyay iyo in la gaarsiiyo adeegyada nolosha dadka muhiimka u ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale la kulmay safiirada Mareykanka iyo Midowga Yurub ee Soomaaliya oo uu kala hadlay kordhinta taageerada mashaariicda xasilinta.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa ka socday Gobolka Shabeelaha hoose howlgalo Ciidanka Xoogga dalka deegaano muhiim ah kaga saareen Al Shabaab,kuwaas  oo dadka shacabka ah mudo badan ku dhibaataynayay.