Muqdisho-KNN-Shirka oo looga hadlayay dhismaha Ciidanka ilaalada Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa shir Guddoominayay Wasiir ku xigeenka Wasaarada amniga ee Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Saciid, waxaana shirka ka qeyb galay Wasiirada amniga ee maamul goboleedyada iyo qubaro kale oo xaga amniga iyo Xeebaha ah, waxaana inta badan ay ka doodeen sidii loo dhisi lahaa Ciidanka ilaalada Xeebaha ee Soomaaliya.
Dood dheer kadib waxa ay wasiirada amniga ay isku raaceen in la dhisayo ciidanka ilaalada xeebaha dalka, waxaana war murtiyeedka warbaahinta u aqriyay Wasiir ku xigeenka amniga dowladda Federaalka Mudane cabdinaasir Saciid.
Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Hirshabeelle oo ku hadlay afka dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka, ayaa sheegay in go’aanka dhismaha ciidanka ilaalada xeebaha inuu ku yimid wada tashi iyo wadajir.