Muqdisho-KNN-Dalka Ingiriiska ayaa maanta waxaa ka furmaayo shirka looga hadlayo Abaaraha soo noq noqday ee dhuftay Dalka Soomaaliya sanadihii lasoo dhaafay.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Dowlado kala duwan iyo Hay’adaha gargaarka bixiyo, Soomaaliya waxaa ku metelaya wafdi uu hoggaaminayo Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Dhanka kale Magaalada London ayaa xalay waxaa ka dhacay kulan horudhac u ah shirkaan maanta ka furmaayo Magaalada London, oo ay isku arkeen wafdiga Dowladda Soomaaliya shirkan ku metelaya oo ay ka mid yihiin Wasiirka Qorsheynta iyo Wasiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed Ingiriiska, waxaana ay kulankooda uga hadleen sidii Soomaalida London ay gacan uga geysan laheyd Abaaraha Soo noq noqday ee Soomaaliya ku dhuftay.
Shirkan oo ka furmaya xarunta Wasaaradda Arimaha Dibadda Ingiriiska ayaa waxaa la filayaa in ay ka soo baxaan qodobo la xiriira sidii loo kordhin lahaa qeylo dhaanta loo sameynayo Soomaaliya iyo sidii loo qorsheyn lahaa deeqaha Soomaaliya ee 2018-ka.
Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminaayo ayaa sidoo kale la filayaa in kulamo gooni gooni ay la qaataan wafuuda kala duwan ee shirkaan ka soo qeyb galeysa, wuxa ay kala hadli doonaa Xaaladaha Bini`aadannimo ee dalka Soomaaliya ka jira.