Muqdisho-KNN-Ra’iisul.Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayrre ìyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa dalka Bilgium-ka uga qeyb galaya Shir looga hadlayo Amaanka Soomaaliya oo ay isugu imaanayaan Madax kala Duwan.
Shirka ayaa ka furmaya Magaalada Baraasalis ee Xarunta Dalka Bilgium-ka waxaa diiradda lagu saarayaa amaanka Soomaaliya iyo sidii looga hor tagi ama loo soo afjari lahaa Qatarta Al-Shabaab.
Shirkan waxaa soo qaban qaabiyay Xafiiska arrimaha dibadda Midowga Yurub,waxaana u jeedadiisu tahay sidii looga shaqeyn lahaa qorshaha amniga Soomaaliya ay ku wareejineyso AMISOM.
Shirkan waxaa uu hordhac u yahay shir weyn oo isla amniga looga hadlayo,waxaana ka qeybgelaya waddamada taageera AMISOM.