Uncategorized

Shir looga hadlayo Arimaha Dastuurka oo Maanta la filayo inuu ka furmo Magaalada garoowe.

Maanta oo Jimca ah ayaaa  la filayaa  in Magaalada Garoowe ee caasimadda  uu ka furmo Shirka dib u eegista Dastuurka Soomaaliya oo socon doono muddo Laba Cisho ah.

Shirkan ayaa waxaa ka qayb galaya dhammaan Wasiirrada arrimaha Dastuurka Dowlad goboleedyada Dalka Soomaaliya iyo maamulka Gobolka Banaadir,waxaana looga hadlayaa turxaan bixinta Dastuurka Dalka.

Shalay ayay aheyd markii C/raxmaan Xoosh Jibriil Wasiirka  Dastuurka Soomaaliya  iyo wafdi uu hoggaaminayo uu tagay magaalada garoowe,waxaa uuna wasiirka uu  halkaas ka  sheegay in ujeedka shirkan uu yahay qaybgalka shirka madasha Wasaaradda arrimaha Dastuurka oo Saddexdii bilba mar la qabto.