Uncategorized

Shir looga hadlayo Arimaha Qaxootiga Soomaalida oo lagu wado in maanta ka furmo Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Shir ay soo qaban qaabisay Hay’adda UNHCR oo looga hadlayo Arimaha Qaxootiga Soomaalida ee dalka dib ugu soo labanayo ayaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa socon doona Muddo Saddex Maalmood ah , waxaana ka qeyb galaya Wakiilo ka socda Maamulada dalka ka jira iyo Hay’addaha Qaramada Midoobey iyo deeq bixxiyaal Caalami ah.

Sidoo kale Shirka ayaa waxaa ka qeyb gali doono Wasiiro ka tirsan dowladda iyo Xildhibaano waxaana lagu marti qaadi doono dad ka soo laabtay Xerayaha Qaxootiga ee Kenya sida ay KNN u sheegeen ka qeyb galayaasha shirka qaarkood.

Shirkan waxaa soo qaban qaabisay hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR,waxaana fulineysa Wasaaradda arrimaha gudaha,Federaalka iyo dib u heshiisiinta Dowladda Soomaaliya sidoo kale waxaa ka qeyb qaadanaya Xubno ka tirsan Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka ee Xukumadda Soomaaliya.