Somali News

Shir looga hadlayo burcad badeeda oo maanta ka furmay Boosaaso

Boosaaso-KNN-Wararka naga soo gaaraya Gobalka Bari ayaa sheegaya in maanta Saraakiil ka socota hawgalka Midowga Yurub ee  ka hortagga burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ay gaareen Magaalada Boosaaso, iyadoona halkaasi ay shir kula leeyihiin mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.

Wefdiga saraakiisha oo ka socda hawlgalka Midowga Yurub ee loo yaqaan  (EU NAVFOR) ayaa ka soo degay markab dagaal oo xeebta ku sugan waxaana ay saaka aroortiii  ay  galeen magaalada Boosaaso iyagoo ay dusha sare ka waardiyeynayaan diyaaradaha dagaalka.

Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Puntland iyo saraakiisha Midowga Yurub ayaa haatan shir uga socda garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso inkastoo aan faahfaahin laga hayn  qodobada ay ka wada-hadlayaan labada dhinac, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona warbaahinta ay dibad joog ka tahay shirka ka soconaya Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari.