Uncategorized

Shir looga hadlayo kaabayaasha dhaqaale ee dalka iyo arimo kale oo ka furmay Garowe

Garowe-KNN-Shirkan oo looga hadlayo kor u qaadida kaabayaasha dhaqaalaha iyo xiriirka ay leeyihiin Wasaaraddaha Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya iyo tan maamulka Puntland ayaa shalay ka furmay Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Wasiiru Dowlaha Howlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya Axmed Cabdi kaariye ayaa daah furay Shirkaas, iyadoo ay ka qeyb galayaan Madaxda ugu sareysa Wasiiradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryaynta Puntland, Aqoonyahano kala duwan iyo Hay’addaha taageera kor u qaadida Kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Intii uu shirka socday waxaa lagu soo Bandhigay Guulaha ay Puntland ka gaartay Kaabayaasha Dhaqaalaha dalka, iyadoo Wasiirka Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryaynta Puntland C/raxmaan Barkhadle Jaamac uu rajo wanaagsan ka muujiyay in uu miro dhalo shirkani.

Axmed Cabdi kaariye Wasiiru Dowlaha Howlaha Guud iyo Dib u dhiska dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ujeedada shirkani ay tahay sidii loo xoojin lahaa Wada shaqeynta ka dhaxeysa Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya iyo tan Puntland iyo sidii kor loogu qaadi lahaa Kaabayaasha Dhaqaalaha dalka, isagoo dhinaca kale xusay in Agab kala duwan ay ku wareejin doonaan Wasaaradda Howlaha Guud ee Puntland kaasi oo wax badan ka tari doono howlaha Wasaaradda.