Muqdisho-KNN-Wasiirka Cadaalada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo arbaca ah magaalada Muqdisho ka furay shir wada tashi ah oo ku aadan istaraatiijiyada la dagaalanka Musuq maasuqa.
Shirkan oo socon doona Hal Maalin ayaa Waxaa ka qayb galaya Wakiilo ka socda Wasaaradaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda iyo Hanti dowraha guud ee Qaranka ayaa ka qayb galaya kulanka.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabooyin wax-ku-ool ah oo loo qaaday dhinaca la dagaallanka musuqmaasuqa, laguna horumariyo hufnaanta iyo isla xisaabtanka, taasi oo fure u ah horumar bulsho oo taabbagala.
Xigasho:- SONNA



