Somali News

Shir looga hadlayo sidii lagu siin deyn lahaa Mukhtaar Roobow oo Nairobi ku soo dhamaaday

Muqdisho-KNN-Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa la sheegay in uu ku soo dhamaaday shir looga hadlayay sidii loo sii deyn lahaa Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-Mansuur oo dhowr bil u xiran Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxaa ka qayb galay dhinac kala duwan oo intooda badan degaan doorashadoodu tahay degaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaana kamid ah dadka ka qayb Madaxweynaha Maamulka KG Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti, Wasiiro kale oo hore kuwaas oo katirsanaa DF-ka Soomaaliya, Xubno ka socda IGAD, Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre oo Telephone-ka uga qayb galay waxaana la sheegay in lagu heshiiyay sii deysmada Abuu-Mansuur.

Malaaq Cabdi Maxamed Isxaaq oo katirsan waxgaradka degaanada Koonfur Galbeed sidoo kalane ay qaraabo yihiin Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in wadahadalka uu ku soo dhamaaday Nairobi islamarkaana lagu wargeliyay in la sii deyn doono Abuu-Mansuur sida ugu dhaqsiyaha badan.

Halkaan Hoose ka dhageyso Wareysiga Abuu-Mansuur