Uncategorized

Shir looga hadlayo xubinimada Soomaaliya ee ururka EAC oo ka furmaya Tanzania

Shir madaxeedka 23-aad ee hoggaamiyeyaasha Bulshada Bariga Afrika ayaa maanta oo jimce ah ka furmaya magaalada Caruusha ee dalka Tanzania.

Waxaa maanta lagu wadaa in shirkaan looga dhawaaqo xubinimada Soomaaliya ee ururka EAC, iyada oo dalkeena noqon doono xubinta 8-aad ee si rasmi ah ururkasi uga biireysa. Haddii la ansixiyo, Soomaaliya waxay si rasmi ah u noqon doontaa
Soomaaliya ayaa billowday hannaanka ku biirista bulshada EAC sannadkii 2012-kii, taasoo ka dhigtay sannadkii 11-aad tan iyo billowgii wadahadallada.

Waxay noqon doontaa tallaabadii ugu dambeysay ee lagu go’aamin lahaa masiirka Soomaaliya ee ku biirista ururka, ka dib wada-xaajoodyo uu garwadeen ka ahaa, Cabdisalaan Cumar Hadliye, Ergeyga Soomaaliya ay u magacowday wada xaajoodka EAC.

Bishii Agoosto ee sanadkan, waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka dhacay wada-xaajood socday muddo sagaal maalmood ah oo u dhexeeyay Soomaaliya iyo khubaro ka kala socotay toddobada waddan ee EAC, Xoghaynta EAC, Golaha sharci dejinta ee Bariga Afrika, iyo Maxkamadda Caddaaladda ee Bariga Afrika.