Somali News

Shir maanta Muqdisho ugu furmayo Golaha Wadatashiga Qaran

Xarunta Villa Somalia ee Magaalada Muqdisho waxaa lagu wadaa in uu ka furmo shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo ay ka qeyb galayaan Madaxda Madaxda DFS ah, Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Dhexe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka kadib markii uu furmo waxaa diirradda lagu saaraya xaaladda Siyaasadeed ee dalka iyo abaaraha baahsan ee dalka ka jira xiligaan.

Hoolka shirka uu ka ka dhacayo ee xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxaa kusiii qulqulaya madaxda ka qeyb galeysa shirka, waxaana goordhow gaaray Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Sidoo kale, Madaxda kale ayaa la filayaa inay halkaas tagaan si ay ugu qeyb galaan shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta furmayo.