Shalay waxaa magaalada Washington D.C ka furmay shir-weynaha sannadlaha ah ee hogaamiyaha dalalka ku bahoobay Isbaheysiga NATO. Iyadoo shirka sannadkaan lagu maamusayo 75-sano guurada kasoo wareegtay aas-aaska NATO.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa Talaadadi shirka ka sheegay, in dunida aysan sugin ilaa ay ka dhaceyso doorashada madaxtinimada Mareykanka ee bisha November, si ay u qaaddo tallaabo ay uga hortagto duullaanka Ruushka ee Ukraine.
Zelenskyy, ayaa taasi ka sheegay, furitaanka shir madaxeedka hogaamiyaasha Gaashaan-buurta NATO ee shalay gelinki danbe ka furmay magaaladan Washington D.C, ee caasimadda Mareykanka.