Somali News

Shir Madaxeedka Dalalka Safka Hore oo ka furmay Muqdisho

Shir madaxeedka wadamada safka hore ayaa Waxa uu ka furmay Magaalada  Muqdisho ee Xarunta Dalka iyadoo Si weyn loo adkeeyey amniga Caasimada.

Waxaa marti galiyay oo Shirka  furay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud waxaana ka qeyb galaya Madaxda wadamada Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya oo saacada kahor soo gaaray Magalada Muqdisho.

Shirka ayaana diirada lagu saarayaa dardar galinta dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ee kasocda gobolada Dalka iyo sidoo kale qodob kusaabsan Ciidanka ATMIS ee Wadamadaan Kajooga Somalia.