Nairobi-KNN-Madaxda maamul goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Jubbaland iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka ayaa shirk u yeeshay Magalada Nairobi dalka Keny.
Madaxda maamul goboleedyada ayaa la sheegay in Beesha Caalamka ay ka dalbadeen in si toos ah taageeradooda loo siiyo taasi oo loo soo marsii jiray Dowladda Federaalka.
Sidoo kale madaxda Sedaxda maamul goboleed ayaa la sheegay in Beesha Caalamka ay u cadeeyeen in Khilaaf xoogani uu ka dhex jiro iyaga iyo dowladda Federaalka ah, sidaasi owgeedna aysan xilligaan ka dhaxeyn wax wadashaqeyn ah.
Wakiilada Beesha Caalamka ayaa la sheegay in ay Madaxdu kala hadleen arimaha doorashooyinka lagu wado in ay dalka ka dhacaan sanadka 2020-2021, taasi oo ay sheegeen in aysan jirin wax qorsha ah oo lagu hishiiyay.
Dhankeeda Dowladda Dhexe ayaan wali ka hadlin shirarka ka socda magaalada Nairobi, kuwaasi oo dhex maraya madaxda maamulada Jubbland, Galmudug, Puntland iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee daneeya Arrimaha Soomaaliya.