Somali News

Shir sedex geesood ah oo ka furmaya dalka Eritrea iyo Abiy Axmed oo gaaray

Muqdisho-KNN-Wafdi uu hogaaminayo Abiy Axmed Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa tagay  dalka Eritrea, Waxaana halkaasi uu jooji doonaa mudo labo maalin ah.

Madaxweynaha Eritrea iyo R/Wasaaraha  Itoobiya ayaa waxaa ay ka wada hadli doonaan xiriirka u dhexeeya labada dowladood.

Sidoo kale Wararka qaar ayaa sheegaya in dalka Eritrea uu ka furmi doono  Shir sedex geesood ah oo  u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Eritrea.

War qoraal ah oo soo dhigay bartiisa Twitter Wasiirka Warfaafinta dowladda Eritrea ayaa sheegay in R/Wasaaraha Itoobiya uu soo gaaray dalka Eritrea.