Somali News

Shir u dhaxeeya madaxda DF iyo D/Goboleedyada oo ka furmay Afisyooni

Muqdisho-KNN-Waxaa hoordhaw teendhada Afisyooni ee xerada Xalane ka furmay shir u dhaxeeya Madaxwayne Farmaajo, ra’iisul wasaare Rooble, madaxda dowlad goboleedyada iyo duqa Muqdisho.

Qoraal kooban oo ka soo baxay dowladda ayaa lagu yiri, “Madaxwaynaha JFS ayaa furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhamaystirka Arimaha Doorashooyinka, oo ay goob joog ka yihiin,R/W XFS ,Madaxda DG & G.Banaadir.”

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo ku dhow dhow shirka waxaa goobta soo xaadiray dhammaan dowlad goboleedyada, waxaana looga hadlayaa qodobo uu kamid yahay dejinta ajendaha shirka guud ee xalka kama dambeysta ah looga gaarayo khilaafka doorashada.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo la hadlayey warbaahinta dowladda ayaa sheegay in shirku uu u dhaxeeyo madaxda Soomaalida oo kaliya, isla markaana aysan ka soo qeyb gelin, kana soo qeyb geli doonin xubno ka socda beesha caalamka.

Mudo ku dhaw bil oo hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ay ku wada sugnaayeen magaalada Muqdisho waxay ku guul dareysteen inay maanta ka hor shir isugu yimaadaan, balse cadaadis ka yimid dhanka beesha caalamka ayaa la sheegay inuu suurta geliyey shirka maanta oo la qorsheeyey inuu hor dhac u noqdo shirka guud ee lagu kala saxiixanayo heshiiska hanaanka loo qabanayo doorashada dalka.