Waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan Airport Hotel ka socda shir u dhaxeeya Guddoomiye Aqalka sare Cabdi Xaashi iyo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.
Shirkaan ayaa waxaa looga hadlaya sidii xal looga gaari lahaa muranka u dhaxeeya ee labada garab ee Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi oo shirka dhexdooda ahaa uu is faham waa ku dhamaaday.
Shir jaraa’id oo la filayay inay qabtaan garabka uu hoggaamiyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa la hakiyay, kaddib codsi la soo sheegay inuu uga yimid Puntland iyo Jubbaland.
Ra’iisul wasaare Rooble ayaa kulan gaar ah maanta la qaatay Guddoomiye Cabdi Xaashi, kaasi oo xafiiskiisa sheegay in uu is-fahan ku soo dhammaaday.
Arrinta Somaliland ayaa ka mid ah labada qodob ee ugu adag shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.


