Somali News

Shir weyne ka furmaya Garoowe

Garoowe-KNN-Shir ay iskugu imaanayaan madaxda Dowladda dhexe kuwa maamul goboleedyada ayaa ayaa lagu wadaa in khamiista birito uu ka furmo magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.   

Mas’uuliyiin ka qeyb galaysa shirkaas ayaa lagu wadaa maanta in ay gaaraan magaalada Garoowe, warar aan helayno ayaa ku waramaya in dowladda dhexe shirkaas ay uga qeyb gali doonaan  Ra’iisul Wasaare Khayre iyo mas’uuliyiin kale.

Shirweynaha labada bishaan May ee barrito ayaa looga arinsanayaa xaaladda amaan, Siyaasadeed, geedi socodka, doorashooyin iyo wadashaqaynta dhinacyada siyaasadeed ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani oo dhowaan shir shir jaraa’id  ku qabtay magaalada Garoowe ayaa codsaday in shirweyne ay gogoshiisu taalo Garoowe ay iskugu yimaadaan  madaxda Soomaaliya heer Federaal iyo heer maamul goboleedba, maadaama uu mudooyinkii danbe khilaaf ka dhex jiray qaar kamid ah madaxda maamul Goboleedyada iyo kuwa Dowladda dhexe.