Garoowe-KNN-Wararka ka imaanaya Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Wasiirada amniga iyo warfaafinta, taliyaha ciidanka booliska, taliyaha ciidanka xasilinta Puntland iyo gudoomiyaha gobolka Nugaal ay kulan ku yeesheen Magaalaasi.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlayeyey ammaanka guud ee Puntland
gaar ahaan xilliga doorashada iyo sida loo sugi karo amaanka goobaha ay ka
dhacayaan doorashadaasi.
Shirka ayaa waxaa la sheegay in laga soo saaray qodobo dhowr ah, waxaana ka mid ah in Ciidamada hubka ku dhexqaata Garoowe, ammaanka guud ee caasimadda, fiiqidda bacda madaw iyo qodobo kale.
Gudigga Amniga ee Deegaanada Puntland ayaa la filayaa in ay faahfaahin ka bixiyaan waxyaabaha ugu muhiimsan ee looga hadlay Shirka ka dhacay Garoowe.