Somali News

Shirar gooni gooni ah oo dhexeeya Xubnaha ONLF iyo Itoobiya oo ka furmaya dalka Eritrea 

Muqdisho-KNN-Wararka naga soo gaarayo magaalada Asmara ee Dalka Eritrea  ayaa sheegaya in magaaladaasi uu shir xasaasi ah uga furmayo Xubnaha ugu sareeya  Ururka ONLF.

KNN ayaa ogaatay in Shirkan looga hadli doono Arimo ay ka mid tahay Xaalada xiligan ka jirta itoobiya iyo isbadalada faraha badan uu sameynayo R/Wasaraha Dowlada Itoobiya Abiy Axmed oo dhawaan la doortay.

Ilow wareedyo lagu kalsoonan karo ayaa KNN u sheegay in Shirka sidoo kale lagu falanqeyn doono in dowlada itoobiya la kala hadlo sidii loo sii deyn lahaa xubno ka tirsan ONLF oo ku xiran Dalka itoobiya.

Sidoo kale Warar kale ayaa sheegaya Xubno kala Socda dowlada Itoobiya iyo ururka ONLF ay iyaguna Shir gooni ku yeelan doonaan Magaalada asmara ee Dalka Eritrea.

Shirarka ka dhacaya dalka Eritrea  ayaan  la ogeyn waxyaabaha ka soo bixi kara.

Dowlada Itoobiya ayaa Ururka ONLF ugu yeerto UBO,Waxaa ayna ku tilmaantay inuu yahay urur argagaxiso oo doonaya inuu qalalaaso ka abuuro Dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya.

Wixii ku soo kordha kala soco KNN