Muqdisho-KNN-Waxaa xalay magaalada Muqdisho lagu qabtay shirka amniga Caasimadda, kaas oo ay iskugu yimaadeen Taliyaasha Ciidamada qalabka sida iyo maamulka Gobolka Banaadir.
Kulanka ayaa waxaa Shirka guddoominayey Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow, waxaana la sheegay in diiradda lagu saaraay arimaha amniga magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Guddoomiye Yariisow oo qoraal kooban oo ku saabsan wixii looga hadlay kulankaas kusoo daabacay bartiisa Facebook-ga ayaa yiri, “Shirka Amniga Caasimada Muqdisho ayaan caawa uga hadalnay dardargelinta kormeerka, howlgalada iyo Islaxisaabtan ka. Eedeysane Bishaar C/Risaaq Maxamed ayaa maanta la soo qabtay iyadoo loo heysto gabar ku dhimatay hotel Caamir ee Baar Ubax. Shacabka ayaa soo gudbiyey gurigii uu ku dhuumanayey. Guusha shacabka”.